Animation

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Sawirrada iyo Magacyada Raggii ka danbeeyay Qarixii Zoope (Aqri)

no responses
Wednesday November 15, 2017 - 7:17 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada iyo shakhsiyaadka loo qabtay Qaraxii weynaa ee 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay in ka badan 400 qof.

Wasiirka Warfaahinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay Qaraxii Zoobe in loo qabtay Shan nin oo la rumeysan yahay in ay ku lug leeyihiin falkaasi, kadib baaritaano dheeraad ah oo ay sameeyeen Hay’adaha ammaanka.

Wuxuu wasiirku sheegay in nagacyada iyo Sawirada Dowladdu ay soo bandhigtay inuu ku jiro shaqsigii isku Qarxiyay isgoyska Zoobe ee kaxeynayay Gaarigii TM-ka ahaa ee qaraxii weynaa dhigay.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA DADKII KA DAMBEEYAY QARAXII SOOPE:-

1- Mukhtaar Maxamuud Xasan Gardhuub,

2- C/wali Axmed Diiriye (C/qani) oo ahaa Madaxa Qaraxyada Gobolka Banaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado.

3- Xasan Aadan Isaaq oo ahaa Darawalkii Gaariga NOAH-da, ahaana isku xirihii weerarkii Zoobe, inta uusan wareejin NOAH-da ayaa la qabtay.

4- Cali Yuusuf Waceys (Ducaale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyay inuu NOAH-da isku Qarxiyo.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

5- C/laahi Cabdi Warsame, iyada oo ugu dambeyn Darawalkii kaxeynayay Gaarigii TM-ka ahaa ee Zoobe ku Qarxay lagu magacaabi jiray Cusmaan Xaaji (Maadey).

Warbixintan ayay dowladda Soomaaliya shaacisay kadib muddo bil ah markii uu qaraxaasi galaaftay dadkii ugu badnaa ee mar qura ku dhintay qarax ka dhaca Soomaaliya.

DAAWO SAWIRRADA

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.