Somali News

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay dishay laba kamid ah madaxda Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay  laba kamid ah madaxda sare ee Al-shabaab ku
dishay duqeyn dhanka Cirka ah oo lala kaashaday Taliska Ciidamada Maraylanka ee
AFRICOM.

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa
sheegtay in duqeynta oo laga fuliyay degmada Saakow ee gobolka Jubada, sidoo
kale lagu dhaawacay xubin kale oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana lagu baabi’iyay
xero ciidan oo Al-shabaab halkaas ku lahayd.

Duqeyntan habeysan ayaa lagu dilay labo ka mid ah madaxda sare ee Al-shabaab halka mid kale na lagu dhaawacay iyada oo lagu baabi’iyey xero ciidan oo ay Al-shabaab halkaa ku lahayd” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu sheegay in aysan jirin cid shacab ah oo waxyeello ka soo gaartay duqeyntaas, kadib baaritaan la sameeyay.

Related posts

Shirkii Wasaaradaha Arimaha Gudaha oo Cadaado kuso dhamaday.

admin

Daawo: Ra’isul wasaare kheyre oo markii ugu horeysay ka qeyb galay shir madaxeedka IGAD iyo qodobo laga soo saaray

Tifaftiraha K24

Africa oo Adis Ababa uga tashanaysa sidii lo cirib tiri lahaa Al-Shabaab iyo Boko Haram.

admin