Animation

Dowladda soomaaliya oo reysal’wasaaraha Imaaraadka ugu tacsiyadeeyay geerida wiilkiisa

no responses
Sunday September 20, 2015 - 10:54 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa sheegay in uu tacsi u diraayo geerida ku timid  Sheikh Rashiid bin Mohamed bin Rashid Al Maktoum oo ahaa wiilka uu dhalay Madaxweyne ku-xigeenka dalka  Imaaraadka Carabta kaas oo sidoo kalena ah  Ra’iisul Wasaaraha iyo xukumaaga Magaaladda Dubai, H. E Sheikh Mohamed bin Rashid.

Ra’iisul Wasaaraha Sharmarke oo ku hadlaya magaca dowladda in Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa waxaa ay tacsi udirayaan shacaka iyo qoysaska dalka , Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa lagu yiri warka kooban.

Ra’iisul Wasaaraha Sharmarke ayaa Allah ugu baryay in uu janada uugeeyo, samirna uu kasiiyo shacabka dalkaasi.

Dowladaha Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya ilaakhaad wanaagsan oo dhinaca Diplomaasiyada ah, waxaana dhawaan dalka Imaaraada Carabka ka dhacay kulan loogu hadlayay Maalgashiga dalka Soomaaliya.

Facebook Comments