Dowladda Somaliya oo Ciidankii ugu badnaa ku Daabuleysa Gobolka GALGADUUD. Ujeedka.

0

Ciidamadii Muranka uu ka taaknaa in Gal-gaduud dowllada soomaaliya u qaato ayaa Saakay laga daabulay xero ciidan oo ku taala deegaanka Ceeljaale ee duleedka barri ee Magaalada Beledweyne.

Taliyaha Guutada Shannaad qeybta 27-aad Ee CXD Kor, Faarax Cali Waasuge Faarax (Kooshin),ayaa hoggaaminaayay ciidankaasi waxaana dadka deegaanka Beergadiid ku nool qaarkood aay ii sheegeen in ciidankaasi aay goordhaw mareen Beergadiid.

Gelinkii dambe ee shalay ayuu taliyaha Guutada Shannaad qeybta 27-aad ee CXD Kor Faarax kooshin ciidankaasi waxuu tababar ugu soo xeray xerada Lama-galaay.

Daabulidda ciidankaasi ayaa qilaaf xoogan ka dhax abuurtay Odayaasha dhaqanka iyo dowllada Fedaraalka Soomaaliya.

Ciidankaasi ka mid ah CXD ayaa saacadaha soo aadan ku wajahan gobalka Gal-gaduud.