Animation

Dowladda Somalia oo Kenya mar kale kaga nixisay iney joojineysa Khaadka + Sababta

no responses
Sunday December 25, 2016 - 6:46 under Arimaha Bulshada by Kaafi
mqdefault

Dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay iney  dib xayiraad ugu soo rogeyso qaadka kaga keeno Kenya ka dib markii xukuumadda Nairobi lagu eedeeyay iney fulin weysay heshiiskii ahaa in diyaaradaha ka taga Soomaaliya si toos ah uga degaan Nairobi.

Dowladda Somalia ayaa xayiraadda ka qaatay qaadka bishii September ee sanadkaan ka dib heshiis labo geesood ah oo ay gaareen Labada Dowladood oo ku aadan in duulimaadyada si toos ah magaalooyinka u gaaraan.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia ku eedeeyay Kenya iney wali ka aamusan tahay in la badbaadiyo rakaabka safarka Somalida iney sii maraan Wajir si halkaasi baaritaan amni loogu sameeyo.

“ Kenya iyo Somali ayaa ku heshiiyay in xaiyaaradda laga qaado qaadka Somalia horay u mamnuucday,halka Kenya ay meesha ka saarto duulimaadyada Somalida ee lagu dhibaateeyo Wajir,”sida lagu qoray Wargeyska Sunday Nation.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeynaya in wali aysan dhaqan gelin heshiiskaasi.