Dowladda Somalia oo Abuu Mansuur u diiday in uu isku soo sharaxo Doorashada Koonfur Galbeed

0

Dowladda Federaalka ayaa is hortaagtay Musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa hoggaamiyeyaasha sare ee Alshabaab.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa waxa ay sheegtay in ay weli jiraan xayiraado saaran wadaadka isu soo dhiibay dowladda taasi oo ka hor istaageysa in uu isu soo sharaxo xil maamul iyo mid dowladda dhexe waxaana wasaaradda amniga koonfur galbeed lagu wargaliyay in Roobow uusan aheyn Musharax u tartami kara doorashada Koonfur Galbeed.