Dowladda Ruushka oo ka hadashay xiriirka dhexmaray Somalia iyo Ereteriya.

0

Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay xiriirka cusub ee dhawaan u billowday dalalkaSoomaaliya iyo Eritrea,kaddib heshiis dhexmaray labada dal.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Ruushka shalay oo Jimco ahayd ayaa lagu sheegay in xiriirka diblomaasiyadeed ee u biloowday dalalka Soomaaliya iyo Eritrea uu muhiim u yahay xasilloonida iyo nabadda Gobolka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Ruushka ay bogaadineyso xiriirka labada dal ee la cusbnooneysiiyay,waxaana ay intaas ku dartay in dalalka deriska la ah labada dal ay ka faa’idi karaan.

Dowladda Ruushka ayaa farta ku fiiqday sida ay muhiim u tahay in Dalka Eritrea uu dib ugu laabto xubinnimada Urur Goboleedka IGAD,kaas oo ay muddo dheer ka maqneyd.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhamaadka bishii la soo dhaafay booqasho saddex cesho qaadatay ku tagay Dalka Eritrea,waxaana uu halkaas heshiis ka koobaan afar qodob kula saxiixday dhiggiisa Eritrea.

Intaas kaddib todobaadkii la soo dhaafay Wafddi uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadda Erittea Cismaan Salax ayaa booqasho labo cesho qaadatay ku yimid Muqdisho.