Somali News

Dowladda mareykanka oo ku dhawaaqday go’aan ay ka carootay yahuuda is’rail balse falastiiniyiinta farxad galiyay

Saraakiisha Israel ayaa lagu warramay inay ka naxeen oo ay “layaabeen” markii sarkaal Mareykan ah uu u sheegay in Derbiga Galbeed – Goobta ugu barakeysan diinta Yahuuda – uu ku yaallo Daanta Galbeed, oo aanu ka tirsaneyn “Dhulkooda”.

Hadalkan oo uu weriyey Taleefishinka Channel 2 ee Israel ayaa abuuri kara xasarad diblomaasiyeed, xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu isku diyaarinayo inuu booqdo Israel, dhammaadka toddobaadkan.

Sida uu ku warramayo Channel 2, kooxda ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa sarkaal Mareykan ah weydiistay, haddii Trump uu Netanyahu kula biirayo duco loo tagayo Darbiga Galbeed.

Hase yeeshee sarkaalka Mareykanka ayaa la sheegay inuu ku jawaabay “Maya”, sababta oo ah buu yiri “Kani ma ahan dhulkiina”, isaga oo intaas ku daray in Darbiga Galbeed uu qeyb ka yahay Daanta Galbeed, waxaana hadalkaas ka dhashay inay isku qeyliyaan kooxdii Mareykanka iyo kuwii Yahuuda.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa VOA u sheegay “Hadalladan ma uusan ansixin Aqalka Cad. Kama tarjumaan mowqifka Mareykanka iyo mowqifka madaxweynaha”

 

Related posts

Dowladda Somalia oo Kenya mar kale kaga nixisay iney joojineysa Khaadka + Sababta

admin

Dhagayso+Sawiro:- Taliyaha Ciidamada Puntland oo sagootiyey ciidamada Mudug ee tababarka uga furmayo Gen Tukade

Tifaftiraha K24

Daawo Axmed Madaabe oo Galmudug Tagay iyo Guuled iyo Maxamed Xaashi oo so dhaweyay.

admin