Somali News

Dowladda Kenya oo sheegtay inay Fashiliyeen Labo Weraar XOG

Booliska dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay maanta fashiliyeen labo weerar oo ay dagaal yahannada Al-Shabaab ka fulin lahaayeen magaalooyinka Mombasa iyo Kalifa.

Weeraradan ayaa sida ay laamaha ammaanku sheegeen la qorsheynayay in lala beegsado Saldhig Boolis oo ku yaalla Magaalada Kalifa iyo sidoo kale Kalaab (Nigth Club) habeenkii lagu caweeyo oo isna ku yaalla magaala xeebeeda Mombasa.

Sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen xog la xiriirta in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay maleegayaan weerarro lagu qaado labadaasi magaalo,waxanay intaa raaciyeen in laga soo abaabulay kaymaha Boni.

Ururka Al-shabaab ayaa fariimisimo ku leh Kaymaha Boni oo ku dhow magaalada loo tamashlaha tago ee Lamu,waxanay ciidamada Kenya sheegeen inay laba laabeen hawl-gallada ay ka wadaan halkaas, waxaana sii soconaya weerarrada laga soo maleego dhulka Kaymaha ah ee Boni.

Related posts

Dhageyso: Xukuumada Somaaliya oo faah faahin kabixisey kulankii dhex maray Farmaajo iyo Uhuru.

admin

XASAASI; Madaxweyne Xassan Oo Magacaabey Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka, Iyadoona………………..

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Guddiga Doorashooyinka oo Shaaca ka qaaday Arin aad Xasaasi u ah..( Tollow Maxay tahay???? )

Tifaftiraha K24