Somali News

Dowladda iyo kooxda gooni-u-goosadka Yemen oo ku heshiiyay in dagaalka la soo afjaro

Dowladda Yemen ayaa waxa ay saxiixday heshiis awood qaybsi ah oo ay la gaartay kooxda goonni ugoosadka ah ee ku sugan koonfurta dalkaas, arrintaas oo looga gol leeyahay sidii lagu soo afjari lahaa dagaalka labadaasi dhinac u dhaxeeyay bilooyinka.

Labada dhinac ayaa waxa ay qeyb ka yihiin xulafada ay hor kacayso Sucuudiga ee dalalka badan ka kooban taas oo dagaal kula jirtay fallaagada Xuutiyiinta tan iyo 2015.

Hasayeeshee bishii Agoosto, kooxaha goonni ugoosadka oo ay taageerayso UAE ayaa waxa ay gacan ku haynta magaalada Cadan kala wareegeen ciidammada dowladda ay taageerto Sucuudiga.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in heshiiskan uu yahay mid muhiim ah, ahna tallaabo loo qaaday sidii loo soo afjari lahaa dagaalka sokeeye ee Yemen.

Qulqulatooyinka halakeeyay dalkaas ayaa waxa ay galaafteen nolosha 7,000 oo rayid ah, sida ay Qaramada Midoobay sheegayso.

Dadka la socda dagaalka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan in tirada dhimashada ay intaas aad uga sarreyso.

Related posts

Akhriso+Sawirro: Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka Jeediyay Furitaanka Kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka

admin

XOG:- Cali maxamed Geedi o ku Wajahan Garowe Maxay Tahay Sababta ?

Tifaftiraha K24

Daawo:Maxaadan ogeyn oo ka soo baxay kulan xasaasi ah oo dhexmaray ra’isul wasaare kheyre iyo amb stephen schwartz ??

Tifaftiraha K24