Dowladda Itoobiya oo Hawada ka saartay Taleefishinka soomaaliyeed ee RTN TV oo Xaruntiisu tahay Nairobi

0

Dowladda Itoobiya ayaa Satelite-ka Thaicom ka saartay Taleefishinka soomaaliyeed ee RTN TV oo xaruntiisa tahay magaalada Nairobi ee dalka kenya kadib dacwad ay u gudbisay shirkadda lalisa TV-yada Soomaalida ee Thaicom oo laga leeyahay wadanka Thailand.

Dacwadda waxaa gudbisay wasaaradda arrmaha dibadda Itoobiya waxaana wararka qaar ay sheegayan in si gaar ah dacwadaan ay itoobiya uga codsaday Maamulka dowlad deegaanka soomalida itoobiya oo horay dacwad sidaan oo kale ah ka gudbisay taleefishino soomali ah oo baahiyay warar maamulka jig jiga aanu dooneyn.

“Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan daawdayaasha RTN TV meel walba ay joogaan in hawada satelliteka Thaicom aan ka maqanahay muddo 24 saac, sababtuna ay tahay warqad ay qortay Wasaaradda Warfaafinta Ethiopia oo dacwo u gudbisay shirkadda lalisa TV-yada Soomaalida ee Thaicom, kuna amartay in hawada lanaga saaro. Ma jirto wax dacwo qoran oo lanoo soo gudbiyay”ayaa lagu yiri Qoraal la soo dhigay bogga Facebook ee Telefishinka.