Somali News

Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF oo Wada hadal Rasmi ah uga Furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi waxaa maanta ka furmay Wada Hadal Rasmi ah oo u dhaxeeeya Dowladda itobiya iyo Jabhadda Xoreynta soomali galbeed ee ONLF waxaana wada hadallada garwadeyn ka ah dowladda kenya.

Itoobiya waxaa shirkaan ku matalaya mas’uuliyiin uu ka mid yahay hogaamiyaha dowlad deegaanka soomalida itoobiya Cabdi maxamad Cumar halka ONLF ay shirka ku matalayan mas’uuliyiin dhowr ah oo Jabahadda hogaamiyeyaasheeda kamid ah.

Shirkaan u dhaxeeya Itoobiya iyo ONLF ayaa la sheegay in qodobada looga hadlayo ay ku jiraan kuwa adagtahay in is faham laga gaaro, soona taagnaa wax kabadan 40 sano oo ay wadahalo socdeyn, Itoobiya ayaa dooneysa in ay maamusho Dhulka Soomaali Galbeed halka ONLF ay doonayaan madaxbanaani iyo umadax banaani iyo Arimaha u gaarka ah Soomaali Galbeed sida uu mar kale ii sheegay Afayeenka ONLF.

Dowladda itoobiya ayaa baadi goob ugu jirta in ay dejiso xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee gobalka Soomaali Galbeed, kadib markii ay jabhadda ONLF cabashooyin badan ka gubiyeen Dowladda Itoobiya waxaana cabasahdaasi itoobiya ku cadaadiyay Wadamada yurub, ameerica iyo qaar ka mid ah Wadamada Africa.

Jabahadda ONLF ayaa muddo ku dhaw 40 sano dagaal kula jirta dowladda Itoobiya waxaana xusid mudan in itoobiya ay gacanta ku heyso in kabadan 5,000 oo xubnaha ONLF ah kuwaasi oo ku jira xabsiyada dalka itoobiya mas’uulkii ugu dambeeyay ee itoobiya u gacan gala wuxuu ahaay c/kariim qalbi dhagax oo dowladdda soomalia ay ku wareejisay itoobiya.

Related posts

TOP NEWS: Madaxweynaha maamulka hirshabeelle oo maanta magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda…..

Tifaftiraha K24

Daawo Sawirro: Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha General Koofi oo Kismaayo lagu soo dhaweeyay Muxuuse Halkaasi u tagay???

Tifaftiraha K24

Wafdi ka socda dowladda oo gaaray Magaalada Balad Xaawo.

admin