Animation

Dowladda Iran oo soomalia usoo dirtay maraakiib dagaal maxaase xiligaan kusoo beegay in Iran ay….

no responses
Monday June 12, 2017 - 12:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda Iran ayaa laba markab oo kuwa dagaal ah u soo dirtay biyaha caalamiga si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka ka dhanka ah Burcad badeeda

Maraakiibta dagaalka Iran  ayaa ka soo shiraacday Dakadda magaalada Bandar Abbas iyagoona ku sii jeeda dalka Cuman halkaasi oo ay kaga sii gudbi doonaan badweynta hindiya iyo gacanka cadan.

Maraakiibtaan ayaa ka mid noqonaya hawlgalka la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Kooxaha Burcad badeeda Somalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay , waxaana ay Afduubyo u gaysteen Maraakiib ganacsi.

Sanadkaan gudihiisa ayaa waxa ay geysteen afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah Afduubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee degmada Calluula ee gobolka Bari.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah wax looga qabto Falalka kooxaha Burcabadeeda Soomalida ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya.