Dowladda Imaaraat-ka Carabta oo Xireysa 3 Xarun oo Ciidamada Soomalia ay ku tababari jirtay oo ku yaala Muqdisho iyo Puntland.

0

Iyadoo uu sii xumaanaayo xiriirka u dhaxeeya Soomalia iyo Imaaraat-ka carabta wixii ka dambeeyay markii muqdisho lagu qabtay malaayiin dollar ayaa waxa ay dowladda imaaraat-ka wadaa qorsha ay ku joojineyso taageerrada dhaqaalle iyo midda tababar oo ay siin jirtay ciidamada Soomalia.

Go’aankaan ay imaaraat-ka gabi ahaanba ku joojineyso kaalmeyntii iyo tababarkii ciidamada soomalia ayaa waxa uu yimid ka gadaal markii garoonka diyaaraddaha muqdisho lagu qabtay lacag aan la ogeyn halka loo waday balse imaaraat-ka ayaa sheegay in lacagtaas lagu bixin rabay mushaaraadka ciidamada uu tababaray imaaraat-ka waxaana lacagta la qabtay ay gaareysa 9.6 milyan oo dollar taasi oo aad uga badan mushaaraadka uu imaaraat-ka siiyo ciidamada soomalia.

Dowladda Imaaraat-ka waxa ay mushaaraadka siisaa 2, 407 oo ciidamada soomalia ah waxaana ay furtay seddex xarumo lagu tababaro ciidamada soomalia iyo Hal cisbitaal waxaana ay soomalia usoo dirtay shaqaallo caafimaad iyo saraakiil tababar.

Xarumaha ay faarujiyeen Imaaraat-ka waxaa kamid ah xarunta tababarka ciidanka badda ee Puntland iyo xarunta tababarka ciidanla ee jeneral gorod ee magaalada muqdisho waxaana sidoo kale albaabada la isugu dhufanaya cisbitaalka sheikh zayid bin sultan al-nahyaan ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaha dowlad goboleedka puntland cabdi wali gaas ayaa maanta ka codsaday dowladda Imaaraat-ka in aysan joojin taageerrada ay siiso soomalia gaar ahaan puntaland waxaana c/wali gaas uu raali galin ka bixiyay saraakiishii imaaraat-ka ee maalin dhaweyd lagu xayiray garoonka diyaaraddaha magaalada boosaaso.

Dowladda soomalia war-saxaafadeed ay soo saartay oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda soomalia ayaa lagu sheegay in xiriirka u dhaxeeya soomalia iyo imaaraat-ka uu yahay mid soo jireen ah waxaana dowladdu ay soo dhaweysay dedaallada lagu dhex dhexaadinaayo soomalia iyo Imaaraat-ka .