Dowladda Baxreyn oo Imaaraatka Carabta u hiilisay Eedeyn kululna u jeedisay Soomalia

0

Dowladda Baxreyn ayaa ku soo biirtay xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhex qaraxyday dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, xilli bilihii la soo dhaafay uu sii xumaanayay xiriirka labada dal.

Wasiirka arrimaha Dibadda Bahrain Khalid Bin Axmed Al-Khalifa ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku abaal dhacday Imaaraadka.

Qoraalka uu Wasiirka Boggiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in Imaaraadka uu Soomaaliya u fidiyay taageero dhinacyo badan leh,  balse dowladda Federaalka ay ku abaal dhacday.

“Imaaraadku waxa uu Soomaaliya u qabtay shirar kala duwan oo lagu taageerayay Soomaaliya oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ay garab istaagtay Soomaaliya dagaalka ay kula jirtay burcad badeeda, waxa ay fulisay wax waliba oo waajib ah , waxa ay u fidisay kaalmo dhaqaale, hub iyo daawo. Soomaaliya waxa ay uga falcelisay inkirid, xumeyn iyo inay is dhex dhigto dhabta cadowg Ummadda”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Baxreyn.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Imaaraadka uu Soomaaliya ka ga can siiyay wax ka qabashada khatartii burcadbadeeda, uguna deeqday hub, dhaqaale, gargaar bini”aadanimo iyo Tabararka Ciidamada.

Baxreyn ayaa ka mid ah afartii dal ee xiriirka u jaray sanadkii hore dalka yar ee Qatar, waxaana uu ka mid yahay Xulafada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya ee xaalada go’doon geliyay Qatar.