Somali News

Dowladaha Soomaaliya iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku saxiixay Muqdisho xalay fiidkii oo Axad ahayd heshiis is-afgarad Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander, diblomaasiyiin Soomaali iyo Sweden.

Agaasimaha guud ee FBA Mudane Sven-Eric Söder ayaa saxiixay heshiiska oo sare loogu qaadayo wax wadaag istiraatiijiyadeed dhinacyo badan leh oo u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Wax wadaaggan ayaa waxa uu ka qeyb-qaadanayaa xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee muhiimadda u leh labada dal, kaasi oo ka tarjumaya rabitaanka guud ee hore loogu dhaqaajinayo xiriirka laba-geesoodka oo lagu gaarsiinayo heerkiisii ugu sarreeyay.

Heshiiska waxa uu qeexayaa in Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) ay ku qabato dalka Soomaaliya tababarro iyo barnaamijyo cilmi-baaris , iyadoo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxaana tababarada siyaasadeed, diblomaasiyadeed, nabad-dhisid iyo xalinta khilaafaatka loo qoon-deeyay in la siiyo kaadiriinta ka shaqaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hey’adaha kale ee dowladda.

Related posts

Yaab: Hadii Sawirkaada la soo dhigi lahaa Facebook Ma is dili laheyd Dhacdo Xanuun Badan oo ka Dhacday…..

Tifaftiraha K24

War Hada Ah: Xasan Shiikh” Madasha Sare ee Amniga Qaarada Africa waxa ay Xalu tahay Mushkiladaha ay argagaxisada ku heyso Qaarada Africa guud ahaan

admin

Xasaasi Dhageyso: Musharax C/wali Garyare oo si Cad u sheega in Doorashadii Saakay Cadado ka dhacday ay C/kariim Guulled iyo Xaashi Carabey ay,….

Tifaftiraha K24