Animation

Dowlada Turkey oo ka hadashay Weerarkii Hotelka Saxafi ee Muqdisho

no responses
Tuesday November 3, 2015 - 8:25 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Wasaarada arimaha dibada Dowlada Turkey ayaa si adag u camnaareysay weerarkii Alshabaab ka geysteen Axadii hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimashada ugu yaraan 10 ruux.

“Waxaan si xoogan u cambaareynaynaa weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya”sidaasi ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Turkey.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid ka dhacay meel 300 oo Meter u jirta safaarada dowlada Turkey ku leedahay magaalada Muqdisho.

Dowlada Turkey ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Hotel Saxafi, iyaga oo caafimaad u baryay dadkii ku dhaawacmay weerarka ee la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Wasaarada arimaha dibada dowlada Turkey ayaa sheegay iney diyaar u yihiin taageerada ay siinayaan dowlada federaalka Soomaaliya si looga adkaado weerarada Alshabaab ka geysanayaan magaalada Muqdisho.

Ugu wasaarada arimaha dibada dowlada Turkey ayaa sheegtay in marnaba weerarada ka dhacaya magaalada aysan saameyn doonin garab istaagida ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowlada Soomaaliya.

 

KISMAAYO24.COM

ABDI KAFI ABDI ABDULLE

Facebook Comments