Animation

Dowlada Soomaliya oo ka Hadashay Dilka Muqdisho loogu geestay Wariye ka Tirsan Idaacada Shabeele

no responses
Tuesday September 27, 2016 - 7:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa si kulul u cabmeeyay dilka Wariye Cabdicasiis Cali Xaaji oo ka tirsanaa howlwadeenada Shabakadda Warbaahinta Shabeelle, kaas oo galinkii dambe ee maanta kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in falkaas uu yahay mid si weyn uga soo horjeeda Islaanimada iyo Aadaminnimadaba, waxa uuna xusay in dowladda Soomaaliyana aysan meel uga hari doonin kuwii ka dambeeyay dilka wariyaha islamarkaana sharcigana la hor keeni doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelada iyo Qaraabada uu ka baxay wariye Cabdicasiis Xaaji, waxa uuna alle uga baryay in uu ka waraabiyo jannatul fardowso.

Falalka nuucaan ookale ah ee lagu dhibaateeyo wariyayaasha ayaa aalaba ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho, waxaana inta badan sheegta kooxaha nabad diidka ee ku howlan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.