Somali News

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Sarkaal Shabaab

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ee Gobolka Shabellaha hoose ku sugan, ayaa waxa ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Shabaab.

Sarkaalka la qabtay ayaa la sheegay in lagu soo qabtay hawlgal laga sameeyay duleedka deegaanka Janaale, halkaasi oo ciidamada Xoogga dalka shalay dhaq dhaqaaq ay ka sameeyeen.

Saraakiisha hawlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas lagu qabtey Madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo magaciisa ay ku sheegeen Xasan Suleyt oo loo yaqaano (Xasan Ganeey).

Taliyaha Ciidamada dhulka C.xamiid Dirir oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Sarkaalkaasi.

Waxa uu sheegay xaaladda Janaale & nawaaxigeeda inay tahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana Ciidamada Xoogga dalka Somaliya si wanaagsan isku dhex galeen Bulshada deegaanka.

Al Shabaab ayaa waxa ay dhaq dhaqaaq Ciidan ka wadaan deegaano hoostagga Janaale, halkaasi oo ay doonayaan inay weeraro ku qaadaan.

Related posts

Dowlada Yahuuda Israel oo ku Dhawaaqday Hadal Markale sii Kicinaaya Shacabka Falastiin ( Tollow Maxay sheegtay?? )

Tifaftiraha K24

Dhageyso: Maxaadan ogeyn oo xalay ka dhacay magaalada muqdisho ka dhacay xili dableey hubeysan ay….

Tifaftiraha K24

Sweden oo raadineysa Dadkii la safray Nin laga helay Cudurka Coronavirus oo 30 sano jir ah

admin