Dowlada Somaliya oo Shirka Hobyo u aragta mid aan danaheeda Galmudug ka muuqan.

0

Magaalada Hobyo waxaa ka socda Shir u dhaxeeya beelaha Galmudug ee Habargidir shirka ayaana diirada lagu saarayaa midnimada beesha ee ku aadan dhismaha Galmudug.

Dowlada Somaliya oo dadaal iyo xoog ku bixineysa Doorashada Galmudug ayaa dhibaato xoogan u aragta shirka ka socda Hobyo ee wajigiisa labaad galay,

Dowlada ayaa culees xoogan u aragta sababta xiligan adag loogu soo aadiyay shirka madama dhawaan la qabanayo doorashada Galmudug oo loolan adag ka taagan yahay.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada oo shirka qeyb ka ah ayaa dowlada u sheegay in shirka uu yahay mid aanan dhibaato ku heenin danaha Galmudug lakin taasi wali dowlada kuma qancin.

Lama oga waxyaabaha kasoo bixi kara shirka taasi oo dowlada indhaha ku heyso iyadoo beelaha Galmudug ee shirka ku  jira ay diideen ka qeyb galka shir dowlada uga dhawaaqday magaalada Dhuusomareeb