Dowlada Somalia oo War lagu farxo kasoo saartay Arrin Dhibaato ay ku qabaan Shacabka

0

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto sidii ay wax uga qaban laheyd Qiimaha Korontadda oo aad u sareeya, islamarkaana ay gacanta ku hayaan Shirkado si gaar ah loo leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay la socoto in Shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato ku qabaan qiimaha Korontada oo aad u sareeya.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya aysan yeelan karin Warshaddo, Maadaama Korontada ay tahay mid qaali ah.

Maamulada Shirkaddaha sidda gaarka ah loo leeyahay ayuu sheegay Wasiirka in ay la yeelan doonan kulamo looga hadlayo in hoos loo dhigo Qiimaha Korontadda.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu Korontada Qaalisan dalalka geeska Afrika, Maadaama ay gacanta ku hayaan Shirkaddo si gaar ah loo leeyahay.