Animation

Dowlada Somalia oo lagu eedeeyay inay sabab u aheyd in Goobaale uu ku baxo gacanta dowlada

no responses
Monday September 19, 2016 - 6:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya, General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade), ayaa Dowladda Somaliya ku eedeeyay inay dayacday amniga Taliyihii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale).

Waxaa uu soo hadalqaaday in General Goobaale iyo General Dhega-badanba, ay ka mid ahaayeen Saraakiishii horseeday in Ururka Al Shabaab laga saaro Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka, hadana la dayacay nabadgelyadooda.

Isagoo la hadlaayay VOA, ayuu yiri “General Goobaale iyo rag kale, waa raggii Xamar iyo gobolo kale Al Shabaab in laga sifeeyo sababteedu lahaa. Isaga, ninkii dhintay ee Dhega-badan iyo rag kaloo hadda nool, waa dad in badan bartilmaameyd u ahaa nimankaa.”

“Al Shabaab awood badan maleh, dadkii la dagaalami lahaa, hadana ay cadow u yihiin lugihii iyo gacmihii inta silsilad looga xiray baa suuqa la dhex dhigay. Marka dadkaas buu ka mid ahaa, aan ilaalada fiican heysan.”

“Gaari Cabdi Bille ah ayuu watay, waad garan gartaa xeradii baa lagu jiray, markii uu ka soo baxayna gaari cabeysan oo qaraxaa lagu dhuftay. Lix askari iyo asaguba waa ku dhinteen.”  “Marka waxaa keenay in aanay dowladda u ilaalin dadka ay bartilmaameydka u yihiin cadowga, iyadoo dad aan bartilmaameyd ahaynba la ilaaliyo, oo la siiyay baabuurta aysan rasaastu karin, dee arrintaasaa keentaa qabaa runtii.”