Arimaha Bulshada Breaking News Somali News Top News

Dowlada Somalia oo Hub aad u badan ku wareejineysa Mukhtaar Roobow

Dowlada Somalia ayaa lagu wadaa in dhawaan ay hubeyso Hogaamiye kuxigeenkii hore ee maleeshiyada AlShabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abu mansoor) oo bilo ka hor isku soo dhiibay dowlada.

Dowlada ayaa la xaqiijiyay in hubkaasi ay ugu tallo gashay in Mukhtaar Roobow (Abu mansoor) uu kula dagaalamo maleeshiyaadka AlShabaab oo heysta qeybo kamid ah Gobolada dalka.

Wax ay xogtu tibaaxeysaa in Dowlada federaalka ay Hubka ka bixin doonta keydka Wasaarada Difaaca, waxaana lagu wadaa in Hubkaasi Roobow loo geeyo magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda qorsho abaabul dagaal oo lagu doonayo in ciidamo khaasa oo loo diyaariyay Mukhtaar Roobow ay kula wareegi doonaan gacan ku yeynta deegaano dhowra oo iminka ay ku sugan yihiin Al­Shabaab.

Sidoo kale, dowlada Federaalka iyo hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay u ballanqaaday in Ruubow ay garab kusiinayaan sida uu Al­Shabaab uga saari lahaa Gobolada ay kaga sugan yihiin dalka.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay dowlada Somalia mar sii horeysay Hub ugu deeqday wadaadka Mukhtaar Roobow oo qeybo kamid ah Xudur kula dagaalamaayay AlShabaab.

Related posts

Dhagayso:- Wasiir Soocade” ninka nabadda diidanoow Miiska wada hadalka ayaan kugu qasbidoonnaa”

Tifaftiraha K24

Akhriso: Puntland oo Xukumadeeda isbedel aad u balaaran ku sameysey.

admin

Dhagayso:  Wasiirka Boostada iyo Is gaarsiinta Soomaaliya oo kaJawaab celiyeyhadal ka sooyeeray Maamulka Soomaaliland.

gurey