Dowlada Qadar oo Sirasmi ah u Shaacisey dhismaha Dekada Hobyo iyo Mashaariic kale.

0

Wafdi culus oo ka socday dowladda Qatar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo ay kulan kula yeesheen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay, wafdiga Qatar ayaa waxaa hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas Màohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, waxaana la socday wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta dalkaas Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti.

Waa wafdigi ugu darajo sarreeyey ee dal Carbeed uu usoo diro Soomaaliya, tan iyo markii dowladda dalka ay burburtay muddo ku dhow 30 sano.

Wafdigan ayaa ra’iisul wasaare Kheyre kala hadla xoojinta xiriirka labada dal iyo sidi Qatar ay sare ugu qaadi lahayd kaalmada ay siiso dowladda.

Sidoo kale, wasiirka gaadiidka Qatar Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa la kulmay wasiirka dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys, waxaana dowladda Qatar ay si rasmi ah ugu dhowaaqday mashruuca dhismaha dekedda Hobyo ee gobolka Mudug.