Somali News Top News

Dowlada oo Ciidamo horleh u daad guraysay Magaalada

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow halkaasi ay gaartay diyaarad siday Ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Ciidamadaan ayaa sida aan wararka ku helnay waxaa ay gaarayaan ilaa 50 askari kuwaas oo laga qaaday Magaalada Muqdisho,isla markaana lagu xoojinayo Amniga Magaalada dhuusamareeb oo maalmahaan xiisad ka taagneyd.

.

Warark ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in geynta Ciidamada horleh dowladda Soomaaliya ee Magaalada Dhuusamareeb Maanta halkaasi laga dareemay,waxana la sheegay in Ciidamada la geynayo Xarumaha Maamulka ee Dhuusamareeb.

Si kastaba Ciidamada horleh oo ay Maanta geysay Dowladda Soomaaliya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maalmahaan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna,wallow Ciidamada Dowladda ay la wareegeen deegaano ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Ahlusunna.

Related posts

MUQDISHO: NISA oo Weerartay Guri iyo Warshad lagu dhaqo Dollarka

admin

Tacsi:- Reer Ciid Cilmi oo ka tacsiyeeyay Geeridi naxdinta lahayd ee ku timid Marxun Xasan Cade

admin

Dhageyso Taliyihii Ciidanka Asluubta oo ka hadlay sababta xilka looga qaaday..

gurey