Animation

Dowlada KENYA oo si adag ugu Hanjabtay Soomaali badan Xili Dacwada Badda….

no responses
Wednesday September 21, 2016 - 12:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Iyadoo dowlada Soomaaliya Maxkamada Caalamiga ah ee Hague u gudbisay dacwad ka dhanka ah dowlada kenya isla markaana labadii maalin ee lasoo dhaafay ay socotay dhageysiga dacwadaasi ayaa Dowladda Kenya ku hanjabtay in ay xireyso xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya hadii beesha caalamka aysan bixin dhaqaalihii loogu talagay in lagu taageero qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Wasiirka arimaha gudaha dowladda Kenya ayaa markale ku hanjabay in dowladda Kenya ay Al-baabada isku dhufan doono xerada Qaxootiga ee Dhadhaab hadii aysan aan la bixin dhaqaalihii loogu talagalay qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool Xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Joseph Nkaissery ayaa sidoo kale sheegay in Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool ee xeryaha ay haysataan dhibaatooyinka kala duwan, sidaas darteedna loo baahan yahay in la caawiyo.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu dhawaaqday inay xirayso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay qayb ka qaadato culayska qaxootiga uga iman kara xiritaanka xeryahaasi.

Kumanaan Soomaali ah ayaa ku nool xerada Dhadhaab kuwaas oo deganaa tan iyo sanadkii 1991, waxaana shaqaale ka ah xeryahaas caruurtii ku dhashashay.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu hanjabtay in ay xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya , laakiin cadaadis ka yimid dowladdaha Caalamka iyo sidoo kale hay’ada u dooda xuquul aadanaha ayaa dowladda Kenya go’aankaasi kalaabatay.

Facebook Comments