Animation

Dowlada Kenya oo Markale ku Caga jugleeysay in Darbiga ay ka dhiseyso Xadka ay la Wadaagto Soomaliya ay ku Dhameystiri doonto Mudo dhan…..

no responses
Saturday October 29, 2016 - 2:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay si deg deg  ah u dhameystiri doonto derbiga ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya , si looga baaqsado weerarada ay geysanayaan Xarakada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Magaalada Mandheera Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in Dhismaha Derbigu uu hadda marayo Meel Wanaagsan islamarkaana uu Qorshahoodu yahay in 75 Cisho Gudaheed lagu soo Afmeero.

Darbigaan ay kenya Dhiseyso waxaa Cabrkiisa lagu sheegay 30 Km oo ay ka dhsieyso Xadka ay la wadaagto Soomaliya.

Kenya ayaa sheegtay in Dhismaha derbiga ay ku qasabtay Weerarada Al-shabaab ay ka geystaan Gudaha Kenya,waxaana ay sheegeeysaa in ay Derbiga Dhismihiisa ay Xoogga saari doonto si loo yareeyo Weerarada Shabaab.