Animation

Dowlada Kenya oo Lacag Malaayin ah Dul dhigtay Sargaal ka tirsan Alshabaab+Magaciisa

no responses
Sunday September 25, 2016 - 9:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay lacag dhuldhigtay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab Kaasi oo Dowlada Kenya ay Rumeysantahay in uu Masuul ka ahaa Weeraro ka dhacay Wadankaasi.

Kenya ayaa u balan qaaday cidii war ka keentay  Ramadhan Kioko oo la sheegay inuu yahay qof argagexiso ah oo la sheegay inuu xirir la leeyahay dhaq dhaqaaqa Al-shabab.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka kenya ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay Balan qaadeeyso Lacag dhan 2 Million oo Shilinka Kenya ah Cidii war ka keentay Sargaalkaan ay sheegtay in Shabaab uu ka tirsanyahay,

Ramadan Kioko ayaa dowladda Kenya ku eedeeysay  in uu abaabulay weeraro badan oo lagu qaaday gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya iyo sidoo kal Magaalo xeebeedka Mombaza ee dalka Kenya.

Wasiirka arimaha gudaha Dowladda Kenya ayaa sheegay in ninkaan uu ka danbeeyay weerar 26-July ka dhacay degaan xeebedka Lamu ee dalkaasi oo saraakiil bam dhulka loogu aasay ay ku dhawacmeen.