Dowlada Itoobiya oo Cadeysay Ujeedka Safarka Madaxweyne Farmaajo

0

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay War Maanta kasoo saartay safarka uu dalkaasi ku tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha  itoobiya ay yeelan doonan kulan ay uga hadlayaan xiriirka labada dal iyo Arrimaha Gobolka Geeska.

Sidoo kale Wasaaradu waxa ay sheegtay in tallaabadaan ay qeyb ka tahay dadaalka uu Gobolka ka wado Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed ee xoojinta  Nabada iyo isku xirka dhaqaalaha Geeska Afrika.