Animation

Dowlada Itobiya oo shaacisay in ay iskaashi la yeelan doonto Maamulka Galmudug

no responses
Thursday November 19, 2015 - 8:02 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

FB_IMG_1447842977641
Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug oo ku sugan Magaalada Adis Ababa ayaa halkaasi kula kulmay wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia, iyagoona kawada hadlay iskaashi ay yeeshaan labada dhinac.

Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia waxa uu kala hadlay wada shaqayn dhexmarta Maamulka Galmudug iyo Dowladda Ethopia kaas oo la xiriira iskaashi dhaqaale iyo mid Amni.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in si dhow ay u wada shaqayn doonaan Ethopia iyo Mamulka Galmudug, isla markaana ay muhiimad gaar ah u leedahay wada shaqaynta Maamulkaas Dowladdiisa.

Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu Aad ugu faraxsanyahay kulanka uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia, isagoo sheegay in ay Aad uga wada hadleen Xiriir wanaagsan oo labada dhinac dhexmara ugu dambayntiina ay isla qaateen inay yeeshaan Iskaashi Dhanwalba leh.

Waa Markii ugu horraysay uu Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed uu Safar ku tago dalka Ethopia tan iyo Markii loo doortay Xilka Madaxweynanimo ee Mamulka Galmudug.

Facebook Comments