Animation

dowlada ingriiska oo Warbixin cusub ku cabsi gelisay Somalida

one response
Friday November 13, 2015 - 10:59 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Qaraal kasoo baxay waaxda arrimaha dibedda Britain, ayaa waxaa looga digay Muwaadiniinta dalkaasi kasoo jeeda iyo kuwa heysta dhalashada dalkaasi inay u socdaalan dalal dhowr ah oo ay kamid tahay Somalia.

Qoraalka  waxaa lagu sheegay in suuragal ay tahay in Somalia ay ka dhacaan falal amnidaro ka duwan tan iminka ka jirta.

Britain waxa ay sheegtay inay jiraan xogo isdaba-joog ah oo ay helayaan taasi oo muujineysa in Al-shabaab ay ku howlan yihiin fulinta weeraro lagu argagax galinaayo amaanka yar ee ka taagan Somalia.

Wadamada looga digay muwaadiniinta Britain ayaa waxaa kamid ah Brundi, Chat, Iraq, Somalia, Libya, Murutania iyo wadamo kale.

Qoraalka ayaa xooga lagu saaray in xiligaani laga deerinaayo xaalada amaan ee Somalia.

Digniinada kasoo yeeray reer galbeedka ayaa waxaa daba socda weeraro loo adeegsado Ismiidaamin iyo Qaraxyo kuwaasi oo lagu qalqal galiyo wadamada ay goortaasi kasoo saran digniinta.

Dhanka kale, waxaan cadeyn sida uu xaalka noqon doono waxa ayna digniintaani imaaneysaa iyadoo ay Al-shabaab soo direen fariimo hanjabaad ah.

kismaayo24.com

Facebook Comments