Somali News

Dowlada Ingiriiska oo war ka soosaartay Ciidamadeeda ku sugan dalka Ciraaq.

Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in ay doonayso in ciidankeeda ay sii joogaan dalka Ciraaq balse hadii xukumada Baqdaad aysan ku qanacsaneyn ay ciidankooda kala bixi doonaan Dalkaasi.

Wasiirka difaaca Ingiriiska Ben Wallace oo ka hor hadlayay golaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay isku dayayaan sida ugu wanaagsan in ay ula dhaqmaan dowlada Ciraaq.

Ka dowlad ahaan waxaa dooneynaa in ciidanka yaga uu ku sii sugnaado ciraaq, balse waxaan muhiimada siin doonaa Madaxbanaanida.

Maalinimadii Axada ayay aheyd markii Baarlamaanka Ciraaq oo amray in dhamaan ciidanka Ajnabiga ay dalkooda faarujiyaan kadib duqeyntii Mareykanka ku dilay Janaraal Qaasim Suleymaani.

Dilka taliyihii hore ee ciidanka kacaanka Iiraan ayaa keenay kacdoon ka dhan ah ciidanka shisheeye ee ku sugan dalka Ciraaq.

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso” Dufcaddii ugu horeysay Shaqaalo Soomaaliyeed oo gaaray ilaa Laba kun oo shaqaale ayaa Sacuudiga loo diri doono ka dib Markii Wasaarada Shaqada ay…

admin

Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM oo wax laga weydiiyay Howlgalkooda Soomaaliya

Sakariye Sakariye

Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo ku Maadeystay Siyaasiyiinta Xanaaqsan

admin