Animation

Dowlada Ingariiska oo 13-Sano kadib Raali galin ka Bixisay Wiil Dhalinyaro ah oo Ciidankeeda ay ku Dileen Wadanka….

no responses
Friday September 16, 2016 - 9:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasaaradda Difaaca Dalka Britain ayaa garoowsatay, warbixin dhawaan la soo saaray oo ku saabsanayd gabbood fallo ay ciidamada Ingiriiska ka geysteen gudaha Dalka Ciraaq, intii uu socday duullaankii lagu riday Saadaam Xuseen 2003-dii.

Eedeeymaha lasoo jeediyay ayaa waxaa qaarkood ka garaabay raalli gelinna ka bixisay wasaaradda gaashaan dhigga ee Britain, gaar ahaan dilkii Ahmed Jabbar Kareem Ali oo 15 jir Ciraaqi ahaa, kaasoo ay Biyo ku dileen Ciidanka Britain.

Axmed Cali, oo kamid ahaa Afar qof oo ay xireen ciidanka Britain,laguna eedeeyay iney xatooyo sameeyeen, ayaa waxaa lagu ciqaabay Balli biyo ah, halkaas oo uu ku dhintay Axmed oo aan dabaal aqoon.

Ciidamadii arrintaasi gacanta ka geystay ayaa iska fogeeyay eedeyn loo soo jeediyay sanaddii 2006-dii, balse warbixintan cusub ayaa sheegeysa iney qirteen xubnihii ka dambeeyay, iyadoo ay dusha u ridatay wasaaradda difaaca Dalkaasi.

Warbixinta waxaa qeyb ka ahaa baaritaano halis ah oo ku saabsan dadka shacabka ah ee dhintay intuu socday duullaankii Britain ay ka qeybgashay ee Ciraaq, intii u dhexeysay 2003dii illaa 2011kii,kuwaasoo qaarkood ay u dhinteen jirdil ba’an oo lagula kacay Dad aan waxba galabsan.