Animation

Dowlada Imaaraatka oo xanibaad ku soo rogtay qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida Akhriso.

no responses
Thursday November 9, 2017 - 8:38 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn ayaa waxaa soo wajahay bilahan dambe xaalad adag ka dib markii ay xanibaad dhinaca socdaalka ah ku soo rogtay dowlada Imaaraatka Carabta.

Ganacsatadan ayaa lagala noqday sharcigii degenaanshaha dalka Imaaraatka, iyadoo loo diiday in la siiyo dal kugalka ama viisaha dalkaas lagu tago.

Talaabadan ay qaaday dowlada Imaaraatka ayaa ka dambeysay markii ganacsatadan lagu helay inay wax is daba marin ku sameeyeen mashaariic ay qandaraasyo kaga soo qaateen dowlada Imaaraatka kuwaasoo laga fulinayey gudaha Somalia, waxaana qandaraasyada qaarkood ay ku kacayeen Malaayiin dollar.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Qaar ka mid ah ganacsatada la xanibay ayaa mudooyinkan lagu arkayey magaalooyinka Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho iyagoo jahwareersan, waxaana qaarkood ay walaac  badan ka qabaan xanibaada safarka ka sokow in dowlada Imaaraatku ay xaraashto guryo waaweyn hanti kale oo ay ku leeyihiin dalkaas.

Macluumaad la helayo ayaa sheegaya in ganacsatadan markii la xanibay ay dalka Imaaraatka ka sameysteen wakiilo iyo ganacsato kale oo halkaas uga sii wada howlahooda ganacsi iyo danaha ay ka leeyihiin dalka Imaaraatka Carabta.

Balse ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dowlada Imaaraatka ay ka war heshay arintan, ayna baaritaan iyo dabagal ku heyso wakiilada ay dalkeeda ka sameysteen ganacsatada la xanibay, waxaana laga yaabaa kuwa ay ku cadaato arrintaas in lagala noqdo sharciga ay dalkaas ku joogaan, lana soo eryo.

Wadanka Imaaraatka Carabta ayaa 27kii sano ee ugu dambeeyey ahaa dalka ugu weyn ee xiriirka ganacsi la lahaa Soomaaliya, iyadoo inta badan ganacsatada Soomaalida ay badeecadaha ka soo iibsadaan dalkaas, waxaana sidoo kale dalka Imaaraatka ku yaalla xarumaha waaweyn ee shirkadaha xawaaladaha Soomaalida iyo kuwa ganacsiga.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.