DOWLADA FARMAJO OO SI QARSOODI UGA FARAXSAN IN KHEYRE BAXO:

0

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in M/W Farmaajo oo dhowr jeer iska horyimaadeen Kheyre habraaca istaraajiyada xukumada jiritaankeeda, dhowr hindesesharciyeed la doonayey in la meel mariyo loona gudbiyo Baarlamaanka.

  • M/W Farmaajo ayaa welwel weyn ka qabay in uu soo muujiyo khilaafka asaga iyo Kheyre ka dhaxeeya sida amniga guud ee qaranka, loolanka siyaasadeed ee wadamada Qadar iyo UAE, Tusaale ahaan Qadar oo qarash badan ku bixisey doorashada Farmaajo oo sharuudo badan wadato, sida marinka howada Soomaaliyeed in laga joojiyo diyaaradaha Carabta, taaso Kheyre ka biyo diidsan iyo, Xafiiska R/Wasaaraha oo ku guuldareystay diyaarinta Hindisaha iyo usoo gudbinta Golaha Shacabka oo dhowr mar Pro Jawaari ka dalbaday.
  • Waxaa kale R/W ku guul dareystay in uu dejiyo nidaam siyaasadeed ee amni iyo difaac ku wajahan sida ay Dowladdu dib ugu hanan lahayd sugidda amniga iyo difaaca dalka iyo in dib-­‐ u-­‐eegislagu sameeyo heshiiska SOMA 2007 oo ay ciidamada AU ku joogaan dalka, taasoo Kheyre aan waxba ka qaban oo bedelkiisa M/W Farmaajo shaqo u noqotay baryahan wazaarada Gaanshan dhiga.

 

    • Waxaa kaloo jirta in mar walba M/W Farmaajo si gooni u dareensan yahay dhacdadii 19 June 2011, uu kalsooni ka waayey Baarlamaankii ku meel gaarka, oo Shariif Hassan oo ahaa guddoomihii Baarlamaanka ku meel gaarka oo ay isku hayb yihiin Pro Jawaarey.

 

    • Waxaa kaloo jira tuhun weyn laga qabo in ay Isbeheystaan Dami Dajiid iyo Dal jir Xilibaanadooda, iyo Cumar Cabdirashid uu arkaya Kheyre iyo Farmaajo kuwa saaxada siyaasada ku cusub maadaama isku dhac ku yimid muddo 13 bilood dowlada Farmaajo iyo Baarlamaanka Federaalka.

 

    • Waxaa kale jirta in Odayaasha Digil iyo Mirifle inta badan ku wargeliyeen xilibaanadooda in difaacaan Qaranka iyo Qadiyada ayagoo u arkaya Farmaajo cadow lidi u ah Qadiyada Digil iyo Mirifle oo tuhun weyn ka qabaan buugii uu qoray oo Digil iyo Mirifle ku tilmaamay Beel yar 12% guud ahaan Soomaalida kale.

 

    • Waxaa kale jirta in M/W Farmaajo dowladiisu ka taliso magaalada Mogadishu oo hadana soo foodsaartay amni daro xoog leh, waxaa kaloo ka soo horjeeda dhamaan Maamulgobaleedka oo u arkaan mid aan khibrad siyaasideed laheyn.

 

    • Isku duuduub, Dowlada Farmaajo ayaa ku maran habaabsan sidii dalka siyaasadiisa u maareyn laheyd, iyadoo dib u dhac weyn u bilowda uga dembayntiina Farmaajo waayi doona kalsoonada xilibaanada.