Doorasho ka socota Magaalada Galkacyo.

0

Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug saaka waxaa ka bilaabatay doorasho lagu doornayo gudoomiyaha Saxafiyiinta Gobolka Mudug.

Doorashada waxaa ka qeyb galaya bulshada Magaalada Gaalkacyo Masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Sidoo kale Wariyaal rug cadaa ah oo saxaafada ku soo jiray mudo dheer.

Dhiibashada Codadka oo hada socota waxaa codadkooda dhiibanaya wariyaasha gobolka mudug iyadoo 5 wariye ka badan ay isku soo sharaxeen xilkaasi.