Animation

Doorashada madaxweynaha galmudug oo daqiiqado kadib si rasmi ah u bilaabaneysa maxaase hada socda???

no responses
Wednesday May 3, 2017 - 8:46 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada madaxweynaha galmudug ayaa waxyar kadib waxa ay si rasmi ah uga bilaabaneysa magaalada cadaado ee xarunta KMG maamulka galmudug.

Qaban qaabadii ugu dambeysay doorashada ayaa waxa ay ka socotaa xarunta loo qorsheyay in doorashada ay ka dhacdo.

Xildhibaanada baarlamaanka galmudug ayaa gabi ahaanba soo xaadiriay goobta doorashada waxaana guddiga doorashada ay shaaciyeen in goordhaw ay bilaabaneyso codeynta musharixiinta.

Musharaxiinta u tartamaya doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa kala ah Axmed Shariif Cali Hilowle ,Prof. C/qaadir Shirwac iyo Ex: Xidhibaan Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Wafdi ka socda dowladda federaalka oo wasiirka arimaha gudaha uu hogaaminaayo ayaa ku sugan goobta ay doorashada ka dhaceyso .

Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u yeelaneysa madaxweyne ay soo doorteen xildhibaanada baarlamaanka galmudug.

Ammaanka magaalada cadaado ayaa aad loo adkeeyay waxaana xiran waddooyinka muhiimka ah waxaana sugitaanka amniga si wadajir ah uga qeyb qaadanaya ciidamada booliska iyo kuwa amisom.

Habeennimadii Xalay oo dhan waxaa magaalada Cadaado ka Soconayay kulammo gaar gaar ah oo Musharaxiintu la kala yeelanayeen Xidhibaanada si ay uga kasbadaan kalsooni ay ugu codeeyaan.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegay in 3-da bishan oo maanta ah ay qabsoomi doonto doorashada Madaxwaynaha G/Mudug kadib markii dhowr jeer oo hore ay dib u dhacday.