Somali News

Dooda Xildhibaanada ee Sharciga doorashooyinka Qaran oo meel xasaasi ah gaartay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta oo Sabti ah kulankooda caadiga ah ku yeelanaya xaruntooda KMG, iyagoo uu weli hor-yaala ajandaha sharciga doorashooyinka Qaran ee heer Federaal.

Sharcigan oo akhrinta labaad maraya ayaa waxaa doodiisa ay soo bilaabatay maalintii Arbacada, iyadoo siyaabo kala duwan ay Xildhibaanada uga hadleen sharciga doorashooyinka.

Xildhibaanada ayaa su’aalo ka keenay qodobada qaar ee sharciga doorashooyinka ee wax ka bedelka ay ku sameeyeen Xildhibaanada, waxaana qaarkood soo jeediyeen in meelaha qaar la caddeeyo.

Dooda Xildhibaanada ayaa waxaa mararka qaar laga dareemayay inay ku kala aragti duwanaayeen Sharciga doorashooyinka qaran, gaar ahaan Xildhibaanada ku dhow dhow Xafiisyada ugu sareeya dalka.

Howlwadeenada Baarlamaanka ayaa sheegaya in dooda ay qaadan doonto illaa todobaad, maadaama ay jiraan Xildhibaano is qoray oo aragtidooda ka dhiibanaya sharcigan, isla markaana marka la soo gabagabeeyo dooda cod loo qaadi doono, si loo ansixiyo sharcigan.

Related posts

Haweeney Somali oo lagu kufsaday Xero Qaxooti oo ka hadashay sababihii looga soo masaafuriyey Australia

admin

DAAWO: Suldaan soo bandhigay xukumadii ugu liidatey ee Soo marta Somaliland,Col.Muuse Biixina

gurey

Dhagayso Raiisal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Maxamed Carte oo qadacay heshiiski madasha

admin