Dooda Amniga Muqdisho Ee Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maalintii Labaad gashay

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeelanaya kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 4-aad oo looga hadli doono Qeybtii Labaad Doodii shalay ee ku saabsaneyd Amniga guud ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.

Shalay waxaa dooda ka qeyb qaatay oo Aragtidooda soo bandhigay 20 Xildhibaan, sida qorshuhu uu yahay waxa maanta hadli doono oo aragtidooda ku saabsan amniga Muqdisho soo bandhigi doono 27 Xildhibaan oo ka mid ahaa xildhibaanadii shalay is diiwaan galiyay.

Xildhibaan Saadaq Warfaa oo ka mid ah Xildhibaanadii shalay ka hadlay Kulanka ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka inay meel mariyaan Sharciga La Dagaalanka Argagaxisada oo Xukuumadda Soomaaliya ay u gudbisay Golaha Shacabka.

“Waxaan rajeynayaa in Kalfadhigaan Afaraad uu noqdo Kalfadhigii ugu muhiimsanaa ee noo qabsooma, sharciyo waa weyn ayaa inoo yaala, in aan meel marino ayaan codsanayaa sida Sharciga La Dagaalanka Argagaxisada, Golaha Shacabka Waajib ayaa naga saaran inaan meel marino Sharcigan Xukuumadda inoo soo gudbisay, hadii ciidamada aan gacmaha ka xirno side Amniga u sugayaan”.ayuu yiri Xildhibaan Warfaa.

Ilo ku dhow dhow Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegaya in laga yaabo in dooda kaddib Xildhibaanada ay mooshin ka keeneen amniga Muqdisho oo su’aalo lagu weydiiyo Taliyeyaasha Ammaanka ama Xukuumadda.