Animation

Donald Trump oo sheegay waxa u sameyn doono hadi laga guulaysto

no responses
Friday October 21, 2016 - 8:18 under Somali News by admin
mqdefault

Musharrixiinta xisbiyada Dimuqraaddiga iyo Jamhuuriga ee kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa yeeshay dooddoodii ugu dambeysay ee ka hor doorashada madaxtinnimo ee dhici doonta 8-da November ee soo socota.

Arrimo dhowr ah oo ay ka mid ka yihiin, ammaanka, socdaalka, dhaqaalaha iyo kuwa kale ayey labada musharax diirada ku saareen doodii xalay.

Trump ayaa ku xayeysiiyey guulaha ganacsigiisa isagoo sheegey in haddii uu noqdo madaxweynaha dalkan uu dhaqaalaha kordhi doono 5-6 %, taasoo uu sheegay iney faa’iido tahay bulshada Maraykanka.

Waxaa uu eedeeyey warbaahinta Maraykanka oo uu sheegay iney yihiin laaluush qaatayaal, isagoo xusay talaabada uu qaadi doono haddii looga guuleysto doorashada iney noqon doonto inuusan aqbalin natiijada, dacwadna uu ka furayo.

Trump ayaa ka fogaadey inuu ka jawaabo su’aal ku saabsaneyd haddii uu canshuuraha kordhin doono iyo hadii kale si ay dadku u helaan waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin oo ay ka mid tahay daryeelka caafimaadka.

Clinton ayaa iyana sheegtey in qorshaheeda dhaqaale ay qeyb ka tahay in ay ku dhawaato halka lacagtu taalo. Waxa ay ballan qaaddey in ay canshuurta ku kordhin doonto dadka dhaqaalaha leh iyo shirkadaha waaweyn si loo xaqiijiyo in ay wax ka bixiyaan qeybta lagu leeyahay.

Mar kasta oo Musharixiinta Maraykanku isugu yimaadaan doodad noocan ah waa is gacan qaadaan, marka ay kala guuleystaana waa isu hambalyeeyaan, balse tartanka sanadkan taas kama muuqato waxaana lagu tilmaamey kii ugu dhiiqada iyo carada badnaa ee so mara taariikhda Maraykanka.

Hillary Clinton waxaay ka warantay in markii ay iyadu sanadihii todobaatamaadkii u doodaysay xuquuqda caruurta, in Trump qudhiisa ay maxkamad kula jireen dad Maraykanka Madow ah oo ku eedeeynayay midab takoor oo uu ka iibin waayay guryo.

“Markii Clinton iyadoo ah marwada koowaad ay u doodaysay sagaashamaadkii xuquuqda haweenka, Trump wuxuu miisaankeeda ku af-lagaadaynayey gabar yar oo ka qayb galaysey tartanka quruxda.

Markii ay Hillary fadhiday aqalka Cad ee ay sida tooska ah ula socotay weerarkii lagu khaarajiyay Usama Bin Ladin, Trump wuxu xiriirinayay barnaamij madadaalo ah oo ka socday telefishanka keenee ayaa Mudan inuu dalkan hogaamiyo? Waxaan u daynayaa shacabka Maraykanka” ayey tiri Hillary Clinton.

Rayi ururintii ugu dambeysay ee warbaahinta dalka Maraykanku ka qaaday shacabka dalkaas ayaa waxaa lagu ogaaday in Hilllary Clinton ay aad uga horeyso musharaxa Trump marka la eego taageerada shacabka Maraykanka, waxaana dad badan ay Trump ku eedeeyeen inuu yahay nin khasaaray oo toobinka ku haya meel cidlo ah.