Diyaarado Sida Ciidanka Koofiyo Casta Oo ka Degay Magaalada Dhuusamareeb

0

Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa ka degay laba diyaaradood oo siday Ciidamo ka tirsan  Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ciidanka Koonfi Casta ee ah Ilaalada Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ay garoonka waxaa la geeyay Xarunta Madaxtooyadda Dhuusamareeb,waxaana halkaas Maalinta berri ah ku wajahan Madaxweynaha.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Ciidanka la dejiyay Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb iyo goobo muhiim ah oo laga soo galo Magaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in Maalinta berri ah uu gaaro halkaas,isla markaana uu soo xiro Shirka dib heshiisiinta  Galmudug ee maalmihii la soo dhaafay ka socday halkaas.

Ammaanka guud ee Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Koofis Casta ee ah Ilaalada Farmaajo,Ciidamada Harmacad iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM