Animation

Diyaarado aan La aqoon oo Duqeyn ka geestay Saldhig ay Alshabaab ku leeyihiin Deegaanka…. ee Gobolka…..

no responses
Monday September 5, 2016 - 9:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka aynu ka Heleyno Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxa ay sheegayan in Diyaarado aan la qoon ay duqeyn ka fuliyeen Fariisimo la Rumeysanyahay in ay Alshabaab ku suganyihiin.

Diyaaradaha ayaa la sheegay in Dhowr Gantaal ay ku dhufteen Saldhig ay Shabaabka ku leeyihiin Toora-toorow waxaana la ogeyn qasaaraha ka dhashay .

Dadka deeganka oo K24 la hadlay ayaa sheegay in ay maqlayaan ilaa dhowr gantaal oo diyaarado ay ku dhufteen Saldhig Shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka waxaana dadku ay muujinayaan Baqdin la xiriirta in Duqeymaha ay waxyeelo ka soo gaadho.

Ma ahan Markii ugu Horeysay oo diyaarado ay duqeyn ka geestaan deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Facebook Comments