Diyaaraddo Dagaal oo Xalay Duqeeyay Cisbitaal iyo Xarun Carruurta lagu xanaaneeyo oo ku yaala Saakoow

0

Diyaaraddo Dagaal ayaa xalay gantaallo ku dhuftay Cisbitaal iyo Xarun Carruurta lagu xanaaneeyno waxna lagu baro oo ku yaala magaalada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta Diyaaraddaha Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay seddex Carruu ah halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka la duqeeyay.

Gantaalada ku dhacay cisbitaalka Guud wax qasaaro ah kama aysan dhalan marka laga reebo bur bur soo gaaray dhismaha .

Diyaaraddaha dagaal ee bartilmaameedsada Alshabaab duqeymahooda waxa ay waxyeello kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee ku nool deegaannada ay Maamullaan Alshabaab.