Somali News

Diyaarad Sidday 100 Qof Oo Ku Burburtay Dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in diyaaraddu ay xakamaha lumisay abbaarihii 07:22 xilliga dalkaas (01:22 GMT), kahor inta aysan ku dhicin dhisme labo dabaq ka koobnaa.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa haatan halkaasi ku sugan, iyadoo guddi gaar ah loo saari doono baaritaanka waxa sababay burbruka.

Madaxweynaha Kazakhstan Qasym-Jomart Toqayev ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriyooday musiibadaas.

Bek Air ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 1999, iyadoo duullimaadyo heer sare ah sameyneysay, sida lagu adabacay barta diyaaradda ee internet-ka. Maalmihii la soo dhaafay, shirkadda ayaa sheegtay inay tahay diyaaradda ugu qiimaha jaban Kazakhstan.

Ma aha burburkii diyaaradeed ee ugu horreeyay ee ka dhacay dalkaas – 29-kii January 2013, diyaarad rakaab oo ka soo duushay magaalada waqooyiag dalkaas ku taalla ee Kokshetau ayaa ku soo dhacday meel u dhow Almaty, iyadoo ay ku dhinteen 20 qof.

Bil ka horna, 27 qof ayaa dhintay kaddib markii diyaarad milatari oo sidday saraakiil sarsare oo ciidammada ammaanka dalkaasi ka tirsan ay ku burburtay koofurta dalkaasi.

Related posts

War Hada: Kumaandoosta Soomaliya oo Howlgal Qorsheysan ka Sameeyay Deegaano ka tirsan Gobolka…..

Tifaftiraha K24

Madaxweyne Donald Trump Oo Ku Goodiyey Inuu Burburin Doono Iiraan.

admin

Guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo la magacaabay(Sawiro)

admin