Arimaha Bulshada Breaking News Somali News Top News

Diyaarad milateri oo sida daawo oo Mareykanka u soo diray Muqdisho

Diyaarad Milateri oo uu leeyahay Mareykanka ayaa goor dhow soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo sida Daawo iyo qalab caafimaad.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Garoonka diyaaradaha Diyaaradan ayaa waxaa laga dejiyay dhowr Tan oo Daawo loogu tala galay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa ah mid mashquul ah oo saacad saacad ay uga degayaan diyaarado sida gurmad caafimaad.

Waxaa la filayaa inay soo degaan Diyaarado ka socda dalalka Qatar iyo Kenya oo iyana sida daawo, waxaa garoonka ku sugan Guddi ka socda Xukuumadda oo u xil saaray la wareegida qalabkan.

Caalamka ayaa garab istaag iyo taageero u muujiyay Soomaaliya, kaddib musiibadii boqolaalka qof ay ku dhinteen 14-kii bishan, xilligaasoo baabuur weyn oo waxyaabaha qarxa saarnaa uu isku qarxiyay Isgoyska Zoobe oo aheyd meel aad u mashquul badan.

Related posts

DEG DEG: Guddoomiyihii maxkamadda oo goordhaw is-casilay maxayse tahay sababat uu isku casilay?

Tifaftiraha K24

TOP Dhageeyso"Puntland oo Aan ku Farxin Guusha Guuleed iyo…….

admin

Dhagayso:- Magaaladda Caabuudwaaq oo maanta laga bilaabey Olale Nadaafadeed oo lagu soo nooleynayo bilicda Magaaladda.

admin