Animation

Diyaarad 40-sano kahor loo soo afduubtay Muqdisho oo dib loogu celiyay Jarmalka (Daawo Sawirada)

no responses
Sunday September 24, 2017 - 11:01 under Breaking News by Kaafi
mqdefault

Diyaarad ay laheyd shirkada Diyaaradaha Lufthansa ee dalka Jarmalka ayaa shalay dalkaasi dib loogu celiyay 40-sano kadib, waxaana Diyaaradan iyo rakaabkii saarnaa iyada oo lasoo afduubtay laga soo dajiyay magaalada Muqdisho sanadkii 1977-dii.

Diyaaradan laga lahaa Jarmalka waxaa soo afduubtay dabley kasoo jeeday Falastiin kuwaa oo dalbanayay in loo sii daayay maxaabiis ka xirneyd, waxa ayna Diyaarada kasoo dajiyeen garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Jarmalka iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa xiligasaa ku guuleestay in ay dilaan sadex kamid ah dableydii diyaarada afduubatay, waxa ayna ciidamada ay bad baadiyeen 86-qof oo diyaaradaasi la socday.

Diyaaradan ayaa markii lasoo afduubanayay waxa ay kasoo duushay Magaalada Mallorca ee Dalka Spain waxa ayna kuna sii jeedday magaalada Frankfurt oo Germany, waxaana diyaaradan markii Muqdisho ka duushay la geeyay dalka Brazil .

Dalka Brazil ayaa shalay laga qaaday diyaaradan laga lahaa dalka Jarmalka waxaana la geeyay Magaalada Friedrichshafen, diyaaradan ayaana lagu wadaa in la dhigo Madxafka xasuusta ee kuyaala magaaladaasi.