DIGNIIN: Taliska ciidamada Booliska Somaliya oo uga digay Qaraxyo horleh.

0

Taliye ku xigeen Zakiya, ayaa sheegtay in shacabka iyo bahda warbaahinta ay kaga digeyso inay ku cararaan meelaha ay ka dhacaan qaraxyada Al Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Waxay sidoo kale sheegtay in laamaha amaanka ay warbaahinta iyo shacabka u ogolaan doonaan inay tagaan meelaha qaraxyada ka dhacaan, marka ay xaqiijiyaan in goobta qaraxyo kale aan la dhigin si loogu dhibaateeyo Shacabka.

Waxay tilmaamay in magaalada Muqdisho marar badan ay ka dhaceen in dadka qaraxyada ku xooma lagu laayo qaraxyo kale oo lasii dhigay goobta qaraxa koowaad uu ka dhaco, sida ay sheegtay.

Waxaan dhamaan shacabka iyo bahda warbaahina u sheegeynaa inay ka fogaadaan meelaha qaraxyada ka dhacaan, ilaa laamaha amaanka ka xaqiijiyaan in meesha amaan tahay, waad og tihiin qatarta ka dhalan karta qaraxyada labaad.