Somali News

DIGNIIN: Taliska Booliska Somaliya oo soo saaray digniin kusocota dadka Muqdisho iyo saldhigyada.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota dadka ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Taliska Booliska ayaa sheegay in la filayo wixii Maanta ka bilowda inay da’aan roobab mahiigaan ah, sidaas darteedna dadka Muqdisho looga baahan yahay inay muujiyaan dadaal iyo feejignaan ku aadan sidii mar kale uusan roobka u geysan musiibooyin.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. Sakiya Xuseen ayaa qoraal ay baraha Bulshada soo dhigtay ku sheegtay in Ciidamada Booliska ay u diyaar garoobeen sidii looga hortagi lahaa musiibo ka dhalato roobabka la filayo inay da’aan.

Waxaa diyaarinay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska” ayey tiri Taliye Zakiya.

Related posts

Murashax Ahmed Abdisalan Hagi Aden oo Nabadoon Ahmed Diriye ku booqday Guriga uu ka deganyahay magalada Cadado.

admin

Ugu yaraan 40 qof oo lagu la’yahay Badda Carbeed Kadib Markii ay la dagtay Doon ay la socdeen

Tifaftiraha K24

Akhriso: K24 oo si hordhac ah u heshay ajandayaasha looga hadlay shirka madasha ee maanta furmay xili c/wali gaas lagu…..

Tifaftiraha K24