DIGNIIN: C/naasir Seeraar oo u digay Madaxda iyo Siyaasiyiinta u sii qulquleysa Magaalada.

0

C/naasir Seeraar Maax oo kamid ah Siyaasiyiinta sida weyna uga oo horjeeda Sheekh Axmed Madoobe sidoo kale Koox taageersan Kismaayo ugu doorteen in uu noqdo Madaxweynaha Jubbaland ayaa digniin kasoo saaray wafuuda Kismaayo ku qul quleysa.

Seeraar ayaa sheegay in ay jiraan Madax hore iyo Siyaasiyiin doonaya in Jubbaland ka dhigaan fagaaraha doorashada 2020-ka, waxa uuna ka digay in Jubbaland noqoto meel laga dumiyo qaranka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Seeraar in qaar kamid ah Madaxweynayaashii hore ay doonayaan in Kismaayo colaad ka huriyaan, waxa uu sidoo kale tilmaamay in madaxdaasi doonayaa in isbadal uga ololeeyaan Jubbaland.

Mr Seeraar ayaa ugu baaqay Madaxda Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira iyo madaxda Puntland in ay ka waantoobaan xasarada ay ka abuurayaan magaalada Kismaayo ayna joojiyaan garaaca turbaanka colaadeed.