Somali News

Dibadbaxyo Looga Soo Horjeedo Booqashada Wasiir Oo Saakay Ka Dhacay Buulo-Burde.

Wararka naga sogaaraya  Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay uu ka socdo Banaanbax xoogan.

Boqlaal shacab ah oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa saaka isugu soo baxay bartamaha Magaalada, kuwaasi oo aad uga careysan Safar Maanta uu halkaas ku tagayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Sidoo kale dadka dhigaayay Banaanbaxa ayaa kasoo horjeestay Maamul Cusub oo dhawaan Buulo-burte u Magacaabay Wasiir Caadle, waxaana dadka ay Waddooyinka ku gubayaan taayaro waaweyn, iyagoona ku xiray biro iyo agabyo kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar kamid ah dadkii dhigaayay Banaanbaxa ay xireen Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka howlgalka AMISOM ee ku sugan Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Wasiir Maxamed Cali Caadle ayaa xalay Magacaabay Duqa Cusub Degmada Buulo-burte, kaasi oo laga dhigay Maxamed Sheekh Sharaawe Fiidow.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaalada deegaanka Maanta ay aad u kacsan tahay, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro Wasiirka arrimaha Gudaha Hirshabeelle.

Related posts

Dhageyso: Dhacdo naxdin ah oo maanta ka dhacday xaafadda kaawo godeey ee dagmada wadajir kadib markii nin oday ah uu…

Tifaftiraha K24

XASAASI: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Hanjabaad culus u diray Siyaasiyiin & Madaxda dalka

admin

Dowlada Soomaaliya oo markeedii ugu horeysay ka hadashay Derbiga ay Kenya ka dhiseyso Xadka Labada dal

admin